Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in wahadaladii dhex maray iyaga iyo Ahlusuna Wal-Jamaaca ay guulo weyn ka gaareen.
Waxa uu sheegay in heshiiskii ay wada gaareen labada dhinac uu meesha ka saari karo culeysayadii siyaasadeed ee heystay Maamulka Galmudug.
Waxa uu shegay in haatan Galmudug ay qorsheyneyso in ay bilaawdo howlgallo lagu furayo wadooyin farabadan kuwaas oo haatan xiran si dhamaan gobolada kale ee dalka iyo maamulka Galmudug ay iskugu furmaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in inta aysan bishaan dhamaan isaga iyo Madaxweyne Shaakir tegi doonaan Magaalada dhuusa Mareeb.
Hoos K Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.