Axmed Geelle Ducaale Xaaf Madaxweynaha dowlad Goboledka Galmudug ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray ku xigeenkiisa iyo  gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cali gacal Casir.
Waxa ay ku eedeeyeen in isaga oo an kala tashan mowqifka Galmudug ee khilaafka Wadamada Khaliijka uu sicad u taageeray Xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee xiriirka u jaray Dowladda Qatar.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in go’aankaas asyan jirin cid ay kala tashanayan isla markaana ay ku jirto maslaxada dadka ku nool deegaanada Galmudug oo xiriir Ganacsi laleh dalalka Khaliijka sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay joojiso faragelin uu sheegay in ay ku heyso.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf