Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu ka hadlay dadkii shacabka ahaa ee dhawaan lagu laayay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Xasuuqii Gaalkacyo loogu geystay 9-kii qof oo shacab ahaa ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Ciidamo ka amar qaata dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gaalkacyo.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Dhuusmareeb ayaa waxaa uu sheegay in markii uu dhacay Xasuuqii Gaalkacyo ay xireen hal Nin oo ka tirsan Booliska Galmudug,kaasi oo ku lug lahaa wixii ka dhacay halkaasi,isla markaana sheegay  in 10 Nin oo ka tirsan Ciidamada 21-aad ee Xooga dalka ay dadkaas xasuuqa u geysteen.
“10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan†ayuu yiri Xaaf oo maanta ka hadlay magaalada Dhuusamareeb.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhawaan xili habeen ah lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada nabadsugida Galmudug,hayeeshee waxaa intaas kadib isla habeebkii la hal goob lagu laayay 9 ruux oo shacab ahaa,kuwaasi oo ka soo kala jeeda deegaanada maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliyo iyo Hirshabeelle.
Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.