Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta shir jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in uu la heshiiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in khilaaf joogto ah aysan wanaagsan,isal markaana uusan dooneyn inay noqdaans idii Galmudug oo kale.
“Maalmaahan saaxibadey wadahadalo ayaa inoo socday qaar badan kuma faraxsana waxa socda waxay diyaar u yihiin wadahadalka dowladda,balse anaga ka hir-Shabeelle ahaan madooneyno inaan noqono sida Galmudug,dowaldda aan la hadalno iyo la hadli meyno ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Isaga oo sii hadlayey ayuu sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal kasta oo xal ku imaanayaan,isla markaana Maamulka Hir-Shabeelle uusan aheyn beer uu isaga leeyahay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madxweynaha Hir-Shabeelle.