Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Maamulka Hir-Shabelle oo bilaabay qorsho uu ku tababaro Ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in Xarumo Ciidan laga sameeyey Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne balse waxa uu sheegay in ay jiraan dad diidan dagaalka Al-Shabaab oo ku sugan Magaalada Muqdisho.
“Waan ognahay dad ayaa jira doonaya in Hir-Shabelle ay saan sii ahaato,diyaar ayaan u nahay in aan sameyno howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab balse waxaa jira dad ku sugan Magalada Muqdisho oo dhaqaalo ku bixinaya in aan la qaadin howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ayuu yiri Madaxweyne Waareâ€
Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in Hir-Shabeelle uu soo maray heer Magaalooyinka dhexdooda in isbaarooyin la dhigto balse haatan ay jiraan dad doonaya in ficilkaas uu soo laabto.
Hadalka Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa ku soo aadaya xili todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan,howlgalkaas oo Saraakiishu ay sheegeen in ay guulo ka gaareen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.