Mudo kadib shalay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare waxa uu Magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 57 Xubnood,waxaana durba soo baxaya dhaliilo laga muujinayo hanaanka loo maray Magacaabista Wasiiradaas.
Xildhibaan Cabduweli Mxamed Ibraahim oo ka mid ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo la soo xiriiray Radio Dalsan ayaa sheegay in hanaanka uu ku soo dhisay wasiirada aysan aheyn kuwo ay ku qanacsan yihiin.
Waxa uu sheegay in balantu ay aheyd in Wasiiro tiro yar la soo Magacaabo balse Madaxweyne Waare uu balantii la galay xildhibaanada uu uga baxay.
Sidoo kale isaga sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in habka Beelaha markii loo fiiriyo in Beel laheyd Lix Xildhibaan uu siiyay Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno, halka beel Saddex Xildhibaan laheyd uu siiyay Saddex wasiir iyo wasiiiru dowlayaal.
Hadaba Hoos Ka Dhageyso wareysiga oo dhameystiran oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah.