Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Cadaado taas oo u dhaxeysa hoggaanka Sare ee Mamulkaas.
Wax uu sheegay Madaxweyne Waare in dhisidii Maamulka Galmudug uu ogyahay in laga soo maray dhibaato adag isla markaana aan la boohneyn in xiligaan si fudud lagu burburiyo.
Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in aan wax la aqbali kara aheyn in xiisada lasii kiciyo isla markaana wadatashi la geliyo sidii Maamulkaas Galmudug loo badbaadin lahaa sida uu hadalka u dhigay.
Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Cadaado ayaa Maalinba Maalinta ka dambeysa cirka iskusii shareereysa waxaana jirta ilaa iyo hadda cid sirsmi ah u faragelisay.
Hoos Ka Dhageyso Codk Madaxweyne Waare