Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo maalin ka hor tegay Magaalada Baladweyne ayaa Maanta ku wajahan qeybo kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Mudane Waare ayaa sheegay in Maanta oo Sabti ah uu tegi doono Magaalooyinka Buula burde iyo Jalalaqsi ee yobolkaasi Hiiraan.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in dadka ku nool degmooyinkaas ay yihiin kuwa u Go’doonsan Al-Shabaab balse ay tahay sababaha ugu weyn ee uu u tagayo sidii Go’doonka looga qaadi lahaa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Waare