CADAADO-Dalsan-Fm: Kadib Kulankii Dagada Ahaa Ee Madaxweyne Ku Xigeynka Galmudug OO Isugu Yeeray Golaha Wasiirada Maamulka Ayaa Waxa Shir Jaraa,iid Waxa Uu Kaga Hadlay Arimihii Kulankaas Diirada Lagu Saaray.
Waxa Uuna Tilmaamay In Dagaalka Maanta Ka Dhacay Dagmada Xeraale Ee Gobolka Galgaduud Marnaba Galmudug Aysan Raali Ka Aheyn Waxa Uu Intaasi Ku Daray In Ayadoo Hada Dadka Reer Galmudug Ay Kasoo Kabanayaan Abaaro Isla Markaana Aan Loo Baahneyn Dagaal Ka Dhex Dhaca Dadka Reer Galmudug.
Dagaalkan Maanta Ka Qarxay Dagmada Xeraale Ee Gobolka Galgaduud Ayaa Waxaa Ku Dhintay Ku Dhawaad 10 Ruux Oo Isugu Jira Labada Dhinac Ee Maanta Ku Dagaalamay Dagmadaas, Dagaalkan Ayaa Waxa Uu Udhaxeeyaa Dadka Deegaanka Iyo Ciidamo Ka Tirsan Ahlu-sunada Gobolada Dhexe.
Waxa Uu Madaxweyne Ku Xigeynka Baaq Ujeediyay Dhinacyada Dagaalamaya In Ay Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ay Dagaalka Ay Ujoojiyaan Isla Markaana Wadahadal Lagu Dhameeyo Xaalada Taagan
Halkaan Ka Dhageyso Codka.