Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay gudiga Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ay ku suganyihiin magaalada Garowe ayaa lagu qabtay degmadasi kulan looga hadlayo arimaha doorashooyinka.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka  Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa ka qayb galay kulan looga hadlayey arimaha doorashooyinka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inuu fuliyo Doorashada soo socota ee Soomaaliya 2020 ay ka dhacdo dalka doorasho qof iyo cod ah sida uu sheegay taasoo uu ku tilmaamay dadaalada ay waddo dawlada Soomaaliya inuu rajaynayo inay ka hirgasho Doorasho Xor ah guud ahaan dalka Soomaaliya.
Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka ayaa horay degmooyin ka mid ah dalka waxa ay ku qabteyn shirar wadatashi ah iyada oo qorshoahoodu uu yahay in ay tagaan ila 24 degmo oo dalka ka mid ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.