Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa ka hadlay warar Warbahinada qaar ay qoreen oo ku aadanaa in uusan wanagsaneyn xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Puntland ay aad u taagersan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay kala Shaqeyneyso sidii dalka Soomaaliya uu u heli lahaa amni buuxa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta ay puntland u taageertay xulufada Sacuudiga ay tahay mid ay dani ugu jirto dadka reer Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Cabduweli Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa daba socday kadib taageeradii uu u muujiyay Xulufada uu sacuudiga hoggaamiyo kuwaas oo xiriirka u jaray dowladda Qatar.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cabduweli Gaas.