Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa ka hadlay isqabqabsiga dhanka Canshuuraha ah ee dhawaan ka dhacday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari taas oo sababtay in Goobaha ganacsi la xiro.
Maamulka dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso ayaa dhawaan waxa ay Ganacsatada Boosaaso ku kordhiyeen Canshuurtii ay ka qaadi jireen taasoo keentay in Ganacsatadu ay diidaan islamarkaana Goobahoodii Ganacsi ay xiraan.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas, in Ganacsatada laga doonayo in ay bixiyaan Canshuurta oo ah mid ay ansixiyeen Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Puntland ayna tahay waajib Dastuuri ah sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Dadka Reer Puntland ay u baahan yihiin difaac,islamarkaana dhaqaalo hadii aan lahelin aysan wax walba hagaageen.
Dhanka kale Madaxweyne Gaas,ayaa soo hadal qaaday Wariyaha dhawaan lagu xiray Garoowe waxa uuna sheegay in Sharciga la marsiin doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxwyen Gaas.