Madaxwaynaha Maamulka  Puntland mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xili uu saxaafada kula hadlayey magaalada Garowe gaar ahaan Xarunta madaxtooyada Puntland ayaa bogaadiyey go,aankii Golaha wakilada ay kalsoonida ugala noqdeen Xukuumada.
Madaxwaynaha Puntland  ayaa shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Amniga iyo Xasiloonida wuxuuna sidoo kale Baaq u diray Ciidamada ammaanka Puntland isagoo faray inay adkeeyaan Amniga.
Madaxwaynaha ayaa soo dhaweeyey Go,aankii Xubnaha Baarlamanka wuxuuna sheegay  inay tahay arin Dastuuri ah uuna soo dhawaynayo go,aankooda sidoo kale madaxwayne Gaas ayaa sheegay inuu muddo kooban kusoo dhisayo xukuumad tayo leh isagoo la tashanaya Madaxwayne ku xigeenka Puntland.
 Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Cabduweli Gaas