Cabduweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaalada ay Puntland xiligaan kula jirto dagaalyahanada Al-Shabaab iyo kooxda Daacish oo dhowr mar ay wada dagaalameen.
Mudane gaas,ayaa sheegay in dhibaatoyinka ugu weyn ee xiligaan ka jira Soomaaliya ay tahay Al-Shabaab,balse Puntland ay ku darsatay mid ay kala kulmeyso Kooxda Daacish oo ay gaar u yihiin.
Waxa uu sheegay in Sanadaha iyo Bilaha soo socda laga sheekeyn doono halka ay ka baxeen Al-Shabaab lana weyn doono sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda Soomaaliya in ay noqdaan kuwo Midooba oo meel ugasoo wada jeesta Cadawga Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas.