Iyadoo dhawaan diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn ku dileen horjooge ka tirsanaa Maleeshiyada Daacish ee ku sugnaa Buuralayda Galgala ee Puntland,ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland.
Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo Daacish meelkasta oo ay joogaan uu soo dhaweynayo maamulkiisa,si loo ga dul qaado dhibaatada ay shacabka ku hayaan.
C/weli Gaas ayaa xusay in duqeyntii dhawaan lagu dilay horjooge ka tirsanaa Daacish oo ku sugnaa Gobolka Bari inta aan la qaadin ka hor  ay halkaasi howlgalo ka sameeyeen deegaano hoostaga Degmada Qandala oo duqeyntaasi ka dhacday,howlgalkaasi oo kaalin ka ahaa bartilmaameedka koxdaasi,waxaana uu hadalkan jeediyaya mar uu lahadlayaay BBCDA.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Cabduweli Gaas.