Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in inta dadka Soomaaliyeed iyo Madaxda dalka uukhilaaf ka dhaxeeyo aan laga guuleysan karin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in mudo 10 Sano ka badan dagaal lagula jiray Al-Shabaab islamarkaana aan weli laga guuleysan 10,ka Sano ee soo socotana aan laga guuleysan karin.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in xiligaan lagu jiro xili adag isla markaana Al-Shabaab ay dadka Soomaaliyeed u diideen in Nabad helaan taas oo keentay in Wadooyinka qaar la mari waayo.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka is dhanka ah Al-Shaabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.