Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Maanta hadlkaan sheegay xili uu boqolaal ka mid ah Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya uu kula hadlayay dugsiga tababarka Jaziira ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyneyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday dagaalkii uu Arbacadii la soo dhaafay uu iclaamiyay in lagu qaadayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolada dalka Soomaaliya waxa uuna yiri.
“Qoladaas Nabadiidka ah ee Ummadda Soomaaliyeed Nabadda u diidan waxaysan ogeyn oo ay meesha ka bixiyeen in Shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal idinkoo kale inay leeyihiin dad halyeeyo ah oo idinkoo kale ah, una diyaar garooba inaad meesha ka bixisaan aniga ayaana idin horkici doono ayuu yiri Madaxweyne Farmaajoâ€
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadaan ay Maanta wixii ka dambeeya ay howlgalkooda bilaabayaan Ruuxiii ka geeriyoodana uu yahay Shahiid geesi ah sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso hadalkii koobnaa ee uu jeediyay  Madaxweyne Farmaajo.