Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdiga uu hoggaaminaayo ee gaaray Magaalada Garoowe ayaa si weyn loogu soo dhaweyn Magaalada Garoowe.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Garoowe ayaa laga dareemayaa farxad saaid ah ayagoo si weyn iskugu soo baxay Wadooyinka Magaalada Garoowe si ay usoo dhaweeyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne Farmajo ayaa soo dhaweyn kadib boqolaal ruux kula hadlayay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in imaanshihiisa Garoowe uu laba jeer ka baaqsaday duruufo jiro aawgeed.
Waxa uu sheegay in ujeedka Garoowe uu u tegay uu qeyb ka yahay xoojinta dib u heshiisiinta isla markaana silamid ah deegaano kale uu tegi doono si uu iyana o ogaado xaalada dadka ku nool iyo waxyaabaha ka jira.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe wax auu xariga ka jari doonaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe oo dayactir lagu sameeyay sidoo kale uu ka qeybgeli doonaa munaasabada Afar Sano guuradii ka soo wareegtay markjii la doortay Madaxweyne Gaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.