Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay muddo bilooyin badan ah kadib ka hadlay dhiibistii dowladda federaalka dhiibtay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, kaas oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya oo raadinaysay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhiibistii Qalbi Dhagax ay qaraar ka soo saareen Go’aana ay ka gaareen Baarlamanka Soomaaliya isla markaana kiiskaas uu halkaasi ku egyahay.
Madaxweyne Faramajo ayaa aheyd Su’aal la weeydiiyay waxa uu ka ogaa dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, oo ka mid ahaa Madaxda Ururka NLF oo dagaalka kula jirta Dowladda Itoobiya balse ugama uusan hadlin si faah faahsan.
Todobaadkii la soo dhaafay ayaa markale la hadal hayay Kiiskii Qalbi Dhagax kadib markii Wreysi uu bixiyay taliyihii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu kaga hadlay kiiskaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.