Muqdisho(Radio Dalsan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marka hore u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada geysatay, waxa uu ALLE uga baryayey kuwa dhaawacyada ahna in uu caafimaad siiyo, sidoo kale madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dhaawacyada halista ah loo fidin doono daryeel caafimaad oo dibedda ah.
Sidoo kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Farmaajo, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u midoobaan arrintaan qatarta nagu ah, waxa uu ballan-qaadey in dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto qofkii soo sheega Gaari walxaha qarxa lagu sameynayo 100,000 (Boqol Kun oo Dollar), ciidammada Qalanka Sida ayuu sheegay in dhowaan ay qaadi doonaan tallaabooyin adag loo arrimahaasi looga jawaabayo.
Dhinaca kale Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaran Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud, ayaa sheegay in hey’addu ay leedahay meel ay shacbiga kala soo xiriiri karaan sida Lambarka (991 NISA), sidoo kalena dadka Bistoolladaha dilalka ku geysta cidda xogtooda keenta lagu abaalmarin doon 10,000 oo Dollar.
Halkan Hoose ka Dhageyso Codka