Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay inay muhiim tahay in lagawada qeyb qaato sugida amaanka, oo aan lagu haleyn dowladda oo kaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay qofkastaa inuu qeyb qaato nabad ku soo dabaalida dalka, islamarkaana uu garab siiya ciidamada amaanka, si loo helo nabad galya buuxda.
Hadalkaan ayuu madaxweynaha ka sheegay magaalada Baydhabo, kadib safar uu ku tagay shalay magaaladaas, isagoo ukuur galay xaalada abaaraha ka jira deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.