Kadib heshiiskii shalay gelinkii dambe ay Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-jamaaca iyo Galmudug ayaa Madaxda ugu sareysa dalka waxa ay dalbanayaan in heshiiskaas uu noqdo mid dhaqangala.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Madaxda iyo Shacabka deegaanada Galmudug ay noqdaan kuwo u hoggaansamo hehsiiskaas isla markaana dhaqan geliya.
Waxa uu ka dalbaday Shacabka iyo madaxdaba in ay isku tanaasulaan isla markaana ay noqdaan kuwo waxwalba wada qeybsada sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka dowladdu ayuu sheegay in ay garabweyn siin doonaan Maamulka Galmudug oo ah mid haatan u baahan in uu dhismo.
Hadalkaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay xili uu goobjoog ka ahaa heshiiskaas ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxda Maamda Galmudug iyo Ahlusuna.
Hoos Ka Dhageyso codka Madaxweyne Farmaajo.