Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo maanta tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka.
Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay dhaqaalihii uu Mareykanka ka jaray Ciidamada  ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wax u qabato ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in hadii dhanka Beesha Caalamka ay dhaliil dhanka ciidanka ah nooga timaado aanan noqon kuwa niyadjaba isla markaana aan iska ilaalino waxyaabaha shaki gelin kara Hay’addaha nataageera.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.