Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo,ayaa uga mahadceliayay Shacabka Soomaaliyeed taageerada ay marwalbo siiyaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed kuwaas oo u taagan sugida amniga dalka.
Waxa uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidamada,islamarkaana ay wax ku darsadaan taakuleynta ciidamada,dhaqaalana ku bixiyaan sidii ay sugida amniga uga qeyb qaadan lahaayeen.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in tani ay ku dhiiran doonaan dhinacyada ka soo horjeeda dowladda soomaaliya in ay dhankooda ku soo biiraan.
Hadalkaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa  uu sheegay xili shalay uu kulan la qaatay markii ugu horeysay Guddiga taakuleynta ciidamada oo uu dhawaan magacaabay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.