Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ku daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland, kaas oo ay u farisanayaan arday dhan 15,892 arday, waxaana ay ka qabsoomayaan 106 goobood oo ku yaala dhammaan golada Puntland.
Madaxweynaha waxaa furitaanka Imtixaankan ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo masuuliyin kale.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay si wanaaagsan xil isaga saartay Imtixaankan diyaarintiisa, isla markaana ay salka u dhigtay qorshe adag oo ku dayasho mudan, kaas oo lagu gaarsiiyey dhammaan gobolada Puntland.
“Waxaa ilaahay mahaddiis ah dhulka Puntland oo aad u ballaaran, cirif ilaa cirif oo meelaha qaybtood laga yaabo 1,000KM iyo ka badan inay isu jiraan,duruufo kala adag ku jiraan, dhulka oo aad u fog fog oo ay dhici karto meelaha qaar in doonyo lagu geeyo oo baaruurtu aysan gali karin, in kulli ay Wasaaraddu ku guulaysatay in Imtixaanada Saacadaan maanta la joogo ay kulli waqti isku mid ah ka fulayaan, runtii ilaah ayaan ugu mahadnaqaynaa, waana guul ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo runtii tijaabo iyo Tusaale u noqon doonta gayiga Soomaaliyeed dhammaantiis”. ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu sheegay intii ay socdeen howlaha diyaarinta Imtixaanka Magaalo ka tirsan Puntland in si qasab ah lagu jabsaday Imtixaanka,isla markaana si deg deg ah lagu bedelay si ardayda aysan u heli wax qish ah.
Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle ka baryey in imtixaanku uu ku dhammaado guul, ardayduna ay la yimaadaan natiijo wanaagsan, waxaana uu u mahadceliyey Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland iyo Howl wadeenadeeda.
Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Saciid Deni.