Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta si rasmi u furay Kal-fadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, isagoona Khudbad ka jeediyay oo uu uga hadlaayay arrimo kala duwan.
Xildhibaan Cawil Daad oo kamid ah Xildhibaanada Puntland ayaa Madaxweyne Deni weediiyay Su’aal la xiriirata dhanka amniga, isagoona si Carro ah ugu Jawaabay, kadibna uu isaga baxay Hoolka Baarlamaanka.
Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay inay is hor istaag ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Puntland oo doonayay inay la wareegaan Maamulka, kuwaasi oo uu xusay rabeen inay wax ka go’aamiyaan Maamulka Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu  tilmaamay in uusan aheyd shaqsi lagu Cabsiin karo inuu garan waayee shaqada Puntland, sidoo kalena uusan aheyn shaqsi loo sheegi karo danta Puntland.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa si toos u weeraray Xildhibaan Cawil Daad oo weeydiiyay Su’aal adeg, waxaa uu sheegay Deni in Xildhibaan Cawil uu kamid ahaa maamulkii hore,isla markaana ay ku guul dareysteen inay bixiyaan Mushaaraadka shaqaalaha Puntland.
Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Deni .