Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xadhiga ka Jaray Xarunta Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Caasimadda Puntland ee Garoowe.
Munaasabadda xadhig Jarka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Yugatoor (Gabiley), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, masuuliyiin ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa xadhig jarka kadib, kormeer ku sameeyey qaybaha ay ka kooban tahay Xarunta Kaydka Shidaalka diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir, waxaana uu warbixin ku saabsan qaabka uu u shaqeeyo kaydku kasiiyey masuuliyiinta gacanta ku haya ee shirkadda Sunrice, isla’markaana Madaxweynaha ayaa ku dhiirigeliyey hawsha adag ay u hayaan dalka iyo dadka.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa beyaamiyey in shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga lagu qaban doono Puntland, kaasi oo waxbadan kusoo kordhindoona kobaca dhaqaale ee dalka, Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi la qaban doono xagaaga soo socda.
Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Saciid Deni. Â