Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabddullaahi Deni ayaa magaalada Qardho gobolka Bari ee Puntland waxa uu kulan xasaasi ah uu kula yeeshay xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada maamulka Puntland gaar ahaan kuwii mucaaradka ku ahaa xukuumaddiisa.
Kulanka oo ahaa mid casha sharaf ah ayaa waxaa la iska xog wareystay xaaladda Siyaasadeed amni iyo tan dhaqaale ee mamulka Puntland,iyada oo goobjoog ay ka ahaayeen qaar ka mid ah golaha wasiirada ee madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Xildhibaanadaan ayaa la tilmaamayaa in ay yihiin kuwa ugu cad cad ee ee mucaradka ku ah madaxweynaha Puntland,isaga oo ammaan u jeediyaya xildhibaanada iyo dhalinyarada kala duwan eek u nool deegaanada maamulkaas.
Halkaan Ka Dhageyso Codka