Janaraal Maxamad Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiishii hore ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya islamarkaana dhexdhexaadin ka wada Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Wal-Jamaaca oo sigaar ah ula hadlay radio Dalsan ayaa sheegay in wadahadaladaas intooda badan la isku fahmay.
Waxa uu sheegay in waxyaabihii lagu heshiiyay ay ka mid yihiin in Xarumaha Hay’addaha Galmudug ay ku Shaqeyaan lakala qaado,sida in Madaxda Maamulka ay ku Shaqeeyaan Dhuusa-Mareeb Xildhibaanadana Cadaado,halka Waaxda Garsoorkana loo wareejin doono Magaalada Cabduwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Sidoo kale waxa uu sheegay in qodobadii lagu heshiiyay ay ka mid haayeen in labada Masuul ay siwadajir ah u boqdaan Magaalooyinka Cadaado oo Galgaduud ah iyo sidoo kale Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Hadalka Janaraal Maxamad Nuur Galaal ayaa ku soo aadaya xili Maanta deeganka Mareer guur iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada dhuusa-Mareeb ay ku wada dagaalameen Ciidamada Galmudug iyo kuwa taabacsan Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.
Hoos Ka Dhageyso Codka