Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) ayaa ka hadlay weerarkii qaraxyada iyo dagaalka tooska ahaa ee xalay lagu qaday Maqaayadaha kala ah Pizza House iyo Posh ee Gobolkan Banaadir.
Mudane Farmaajo,ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii xalay isagoo sheegay in ay ahaayeen dad Shahiiday maadaama la dilay xili Ramadaan ah.
Waxa uu shegay in ay tahay wax laga xumaado in lalaayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan islamarkaana dhiigooda la daadiyo sida uu hadalka ku dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka