Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay  Maanta uga soo jawaabay dowladda Federaalka Soomaaliya diidmadii ay ka muujisay heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee dekada Magalada Berbera.
Muuse Biixi ayaa marka hore difaacay heshiiskaas,waxa uuna sheegay in Soomaaliland uu yahay dal madax banaan,isla markaana heshiis la geli kara cidwalba.
Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu Soomaliland dagaal ka iclaamiyay sidaas dareedeedna ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaaan sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkaan ayaa waxa uu Maanta Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Maalinta Haweenka oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliland.