Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) ayaa sheegay in dadka Somaaliyeed aysan aheyn kuwo xagjir ah balse ay jiraan dad kale oo dhexdooda ku jira kuwaas oo ku sheegay in ay ka barbar dagaalamaan Al-Shabaab.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo,ayaa sheegay in dadka xiligaan ka tirsan Al-Shabaab in uu markale cafis uu u fidiyay islamarkaana la doonayo in ay dowladdooda ku soo biiraan.
Dhanka kale ayaa waxa madaxweyne Farmaajo,ugu baaqay dad uu sheegay in aysan aheyn Somaali kuwaas oo ka barbar dagaalama Al-Shabaab loona bahan yahay in ay dalkooda ku laabtaan.
Dhowr mar ayaa Madaxweyne Farmaajo,iyo madaxdii ka horeysay ay sidaan oo kale sheegeen in ay cafis u fidiyeen raga ka tirsan Al-Shabaab balse hadaladaas aan waxba soo kordhin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha.