Gen,Cabdullaahi Siciid Samater oo ka mid ah Siyaasiyiinta Maamulk Puntland horayna u soo noqday la taliyaha Gaarka ah ee Madaxxweyne Gaas,ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweyne Gaas,ee ahaa in Dastuurka Puntland ay Beelo Gaar ah ku dulman yihiin.
Generaalka ayaa sheegay in hadii Dastuurka Puntland dib loo furo ay keeni karto dhibaato,waxaana dhanka kale uu xusay in Beelah ka cabanaya Kuraasta Baarlamaanka lagu qanciyo xilalkale maadaama faragelin lagu sameeyo Dastuurka ay keeni karto Colaad kale.
Isagoo la hadlayay Warbaahinta ku hadashay Afka Puntland ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Maamulkaas ee Cabduweli Gas,in uusan faragelin Dastuurka Puntland uuna kaleexdo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasiga