Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan aqoon dowladda Qatar isla markaana aysan waligeed la yeelan wax xiriir ah.
Waxa uu sheegay in puntland ay weli ku adkeysaneyso Go’aankii ay ku taageertay Xulufada Sacuudiga ee xiriirka u jaray dowladda Qatar.
Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa soo hadal qaaday xiisada u dhaxeysa Madaxda Galmudug ee ka taagan Magaalada Cadaado waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay go’aan deg deg ah oo ay ku taageertay Xildhibaanadii sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.
Inta badan Maamulada ka jira dalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan Mdaxdooda ay wajahayaan cadaadis kaga imaanaya dhanka Xildhibaanada, waxaana horay loo riday Madaxweynihii Maamulk Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble halka haatan ay taagan tahay xiisada Galmudug iyo tan Koonfur Galbeed oo haatan bilaaw ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Cabduweli Gaas