Madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka hadlay qarxii Al-shabaab ay ja geysteen isgooyska Ex-koontarool Afgooye waxa uu sheegay in uu u cambaaraynayo si kulul,waxaana uu aad ugu dheeraaday ka hadalka xaaladda dalka.
Laftagareen ayaa tilmaamay dhammaan dadkii ku dhintay qaraxaas in ay ahaayeen dadkii ugu wanaagsanaa Soomaaliya oo ahaa aqoonyahay iyo kuwa raadinayay nolo maalmeedkooda caadiga waxaana tacsi uu u diray ehlada dadkii ku dhintay isaga o kuwa dhaawaca caafimaad u rajeeyay.
Ugu dambeyntii Al-shabaab ayaa waxa uu sheegay in ay yihii dad aan raxan lahayn una taagan daadinta dhiigga shacabka,waxaana uu ugu baaqay dowladda iyo shacabkaba ain meel looga soo wadajeesto la dagaalankooda.
Halkaan Ka Dhageyso Codka Â
      Â