Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Maanta Khudbad ka jeediyay daah-furka Shirka wadatashiga hay’adaha dib u eegista Dastuurka Heer faderalka iyo Heer Dowlad goboleed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Dastuurka qabyo qoraalka ah ee dalka.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Jubbaland in Dastuurka dalka uu yahay heshiis bulsho ay ku dhaqanto,isla markaana loo baahan yahay in la dhamaystiro si looga baxo Caqabadaha dalka ka jira.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Axmed Madoobe in Dastuurka dalka aan la dhameystiri karin ilaa xal laga gaaro arrimaha maamulka Somaliland iyo dowladda Dhexe.
“Dastuur waa Heshiis Bulsho ay ku dhaqanto, maanta jawhareerka ugu badan ee Soomaaliya ka jirana waa Dastuurka oo aan dhamaystirnayn”
Hadalkaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxame Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta waxa uu sheegay furitaanka shirka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed,kaasi oo Maanta si rasmi ah uu uga furay Magaalada Kismaayo.
Hoos ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe.