Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in Shacabka ku nool deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle laga doonayo in ay Canshuurta bixiyaan si qof walba oo ka mid ah Shaqaalaah Hir-Shabeelle u u heli mushaarkiisa.
Waxa uu sheegay in ay dhacdo marwalba in Dhaqaalaha Canshuurta ah ee dadka laga qaado in ay kala qaataan dad qaas ah balse xiligaan wixii ka dambeeya aysan taasi dhici doonin.
Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Shacabka Hir-Shabeelle in ay la Shaqeyaan Maamulkooda islamarkaana ay ogaadaan in ay yihiin Shacabka Hir-Shabeelle.
Madaxweyne Cosoble ayaa waxaa jira dad dhaliilsan Siyaasadiisa kuwaas oo qaarkood horay u sheegay in laga doonayo in uu isbedel sameeyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Cosoble.