Axmed geelle Ducaale(Xaaf) Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Maanta furay Kala-fadhiga 5,aad ee Xubnaha golaha Baarlamanka Galmudug ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Abaaraha amniga iyo dhinacyo kale.
Waxa uu sheegay in Galmudug ay soo martay dhibaatooyin kala duwan islamarkaana haatan la rajeynayo in laga baxo,xilhdibaanadana lag doonayo in dahnkooda Shaqooyinka adage e horyaala ee dhankooda ka qabtaan.
Waxa uu ugu baaqay Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca in ay Galmudug ku soo biiraan islamarkaana ay qaataan Wadahadalada Nabadeed.
Waxa uu ahdalkiisa raaciyay in ay diyaar u yihiin wadahadal iyo dib u heshiisiin balse cidii arintaasi diido ay iska qabanayaan,si loo badbaadiyo Shacabka Galmudug oo dhibaatooyin ay hestaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf