Madaxtooyada Maaamulka Soomaaliland ayaa faah faahisay Warar sheegayay in Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Qaliin loogu sameeyay isbitaal ku yaalla Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta halkaas oo uu booqasho ku tegay.
Madaxweyne silaanyo oo booqashadiisa ay qaadatay mudo ka badan 4 Isbuuc ayaa ku soo laabtay Magaalada Hareysa,waxaana Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland Xuseen Aadan Cige Deyr,oo Warbaahinta la hadlay uu sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah islamarkaana howlo gaar ah uu u tegay Imaaraadka sinabad ahnauu ku soo laabtay.
Warbaahinta qaarkood iyo Baraha Bulshada ayaa Maalmahaan lagu qorayay in xaalada Caafimaad ee madaxweyne siilaanyo ay halis ku jirto islamarkaana uu jiifo isbitaal ku yaala Imaaraadka balse Warkaas ay beenisay madaxtooyada Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa.
Hoos ka Dhageyso Codka