Kadib dilkii Cali Nuur Shuute oo ahaa Aabaha dhalay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur shuute aya Madaxda Sare ee Maxkamada ciidamada Qalabka sida waxa ay dalbadeen in la baaro dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa sheegay in laamaha amniga dalka laga doonayo in ay soo baaraan dadkii ku lug lahaa dilkaas.
Waxa uu sheegay in Marxum Cali Nuur Shuute uu ka mid yahay Bulshada Soomaaliyeed ee maalin walba la dilayo balse aysan jirin cid gaar ah oo ilaa iyo hadda lagu tuhmayo.
Marka laga soo tago hadalka Madaxda Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa hadana waxaa masuuliyada dilkaas sheegtay Al-Shabaab oo dhowr marar dilal ka fuliyay Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.