Madaxda Maamulka Soomaliland ayaa amar duldhigay Gaadiidka ay isticmaalaan Masuuliyiinta Maamulka Soomaaliland kaas oo aan qaarkood wadan lambaro ama Taargooyin lagu yaqaano ku waas oo ku sugan gobolada uu ka kooban yahay Maamulkaas.
Gudoomiye ku xigeenka Hanti dhowrka Qaranka Soomaliland Siciid Saleemaan mire,oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay diiwaangeliyeen dhamaan Gaadiidka Hay’adaha kala duwan ee Soomaliland,basle ay jiraan kuwo aan ku xirneen Gawaarida lambarka loo yaqaano GT, No.
Waxa uu ugu baaqay dadka uu warkaan ku socdo oo ah masuuliyiinta Maamulka Soomaaliland in ay mudo 10 cisho ah Gudahood ay ammarkaan ku Dhaqangeliyaan hadii kale talaabo laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.
Isagoo sii hadalayay ayaa waxa uu sheegay in cidii sababa amni aawgeed u baqeysa ay codsi u dirto taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliland iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulkaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka Hanti dhowrka Qaranka Soomalilan.