Kadib markii xalay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya uu sheegay in Shaqo joojin aan lagu sameeyn Hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulanc ayaa waxaa ka hadlay arrintaas Madaxa Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance.
Dr. Cabduqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadam oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in amar kasoo baxay Taliska Booliska loogu sheegay in shaqada ay hayaan joojiyaan,isla markaana aysan tegin karin goobaha qaraxyada ay ka dhacaan ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale  Dr. Cabduqaadir Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu sheegay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay weeydiiyeen Su’aal aheyd in gabadha Uurka leh ay qaadi karaan iyo qofka Meydka ah,hayeeshee waxaa loogu jawaabay in weli Amarkaas uusan soo bixin.
Madaxa Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance Gurmadka Dr. Cabduqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadam ayaa tilmaamay in haatan gabi ahaanba ay joojiyeen Shaqadii gurmadka deg dega aheyd ee u hayeen Bulshada Soomaaliyeed,isla markaana ay war sugi doonaan Go’aanka ugu dambeeya ee Taliska Ciidanka Booliska.
Hoos ka Dhageyso Codka Dr. Cabduqaadir C/raxmaan Xaaji Aadam.