Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka hadlay waxyaabaha kaga qorsheysan deegaannada weli ka maqan Gacanta Maamulka Galmudug.
Maxamed Shaakir cali Xasan ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu ka warqabo in ay weli jiraan deegaano ay dad ugu afduuban yihiin Al-Shabaab kuwaas oo si deg deg ah lagu xureyn doono sida uu hadalka u dhigay.
“Waxad ogtihiin in shirkii amniga ee Dhuusamareeb lagu qabtay qodobkii ugu weynaana uu ahaa sidii Shabaab loogu xureyn lahaa deegaannada ay heystaan, si shacabka looga badbaadiyo,waxana ka codsneynaa dowladda iyo Beesha Caalamka in ay garab nasiiyaan ayuu yiri Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudugâ€
Sidoo kale waxa uu sheegay in mardhow ay deegaannada Gacanta Maamulka Galmudug ka maqan ay dib u xuroobaan ayna ka dhigi doonaan kuwo amni ah sida deegaannada hadda ku jira Gacanta Gamudug.
Maamulka Galmudug ayaa haatan wada qorsho la’isugu dhafayo Ciidamada Galmudug iyo kuwii Ahlusuna ee ku biiray Galmudug si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.