Ciidamada katirsan militariga Soomaaliya ayaa tababara kor loogu qaadayay aqoontooda loogu soo geba gebeeyey magaalada Muqdisho kuaasi oo isugu jiray sarakiil, saraakiil xigeen iyo kuwo kale.
Waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya,saraakiil katirsan ayadoo tababarkasi oo muddo bil ah ka socoday magaalada Muqdisho ay bixinayeen saraakiil Mareykan ah.
General Bile Ibraahim Aadan oo ah madaxa taakulaynta ciidanka xooga dalka ayaa uga mahadceliyay saraakiisha Mareykanka ah tababarkan ay siiyen cutubyo katirsan ciidanka xooga dalka, oo la barayay sidii ay dalkoodi u difaaci lahaayeen.
Mudane C/rashiid C/laahi oo ah wasiirka Gaashaaindhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ciidankaasi katirsan xooga dalka u soo xiray tababarka ayaa bogaadiyay in waxyaaboihii ay barteen ay dalka ugu adeegaan.
“Waxaan aaminsanahay in howsha la idin tababaray ay tahay mid dhaxalgal ah,islamarkaana anficidoonta ciidamada xooga dalka,anficidoonto dalka,looguna talagalay wax alaale wixii diwaangelin ah,oo laxisaabtan ah eek u saabsan wax alaale wixii ciidamadu ay leeyihiin in la helidoono xisaab waafi ah,ooboqolka sano ee soo socota qofkii idinka dambeeya uu helikaro recordkaasi, jiilka soo socoda ee soo koraya waa in ay helaanâ€, Ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.
 Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Swirrada
Xigasho Sonna