Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ka hadlay khilaafka ka dhax-jira Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayuu tilmaamay inay ceeb iyo fac-shir ay ku tahay is-qab-qabsiga dhaxdooda ka taagan oo loo baahnaa inay xal ka gaaraan inta uusan soo gaarin heerka uu hadda taaganyahay.
Iyada oo la raacayo dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka ayuu sheegay inay fududdahay xal ka gaaridda xiisadda siyaasadeed ee saameysay hay’adda sharci dajinta dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu intaa raaciyey in guddoonka Golaha shacabku ay qaadeen masuuliyad ay u dhaarteen oo ahayd inay shacabka u shaqeynayaan aanna loo baahneyn in ballantaas ay baal-maraan howlihii loo igmadayna ay ka gaabiyaan.
Madaxweyne Ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mr Sayid Aadan waxaa uu sheegay in mar-marsiyo aan laga dhigi Karin in baarlamaanka howlihiisa ay faragalin ku hayaan Madaxtooyada iyo xukuumadda isagoo kula talaiyey guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya in arintan xal rasmi ah laga gaaro.
Horay ayaa sidaan oo kale waxaa baaqyo kala duwan khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan usoo saaray qaybaha kala duwan ee madaxda maamul-goboleedyada kuwaas oo codsanaya in arinta lagu xalliyo xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.