Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cisaan Karaash ayaa Maanta shir Guddoomiyey Shirka Golaha Golaha Wasiirada Puntland,kaasi oo looga hadlay qodobo kala duwan.
Shirka Wasiirada Puntland ayaa qodobadii looga waxaa kamid ahaa amniga dalka, Aragtida Puntland ee arrimaha imtixaanaadka shahaadiga ah, Barnaamijka dib u habaynta iyo casriyeyenta Hay’adaha Puntland, Dib u eegista xeerka kufsiga iyo Warbixino kale ,waxaana goobjoog ka ahaa inta badan Golaha Wasiirada maamulkaas.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Puntland Salaax Xabiib Jaamac ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday,kdaib warbaahinta la hadlay aya waxaa uu sheegay in Golaha uu eedeeyn u jeediyay Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre.
Eedeynta loo jeediyay Cabdullahi Goodax Barre ayuu ku sheegay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland inay tahay hadalkii ka soo yeeray ee ahaa in Ardayda Puntland ee dhameysata Waxbarashada dugsiga Sare la siiyo  Shahaado been abuur ah,isla markaana sheegay in halkaasi uu kala fogeyn karo xiriirka ka dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka Salaax Xabiib Jaamac.