Weli waxaa Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka HIiiraan ka taagan xiisad ka dhalatay dilka  Darawal Mooto Bajaaj oo shalay ka dhacay Gudaha Magalada baladweyne.
Maleeshiyaad ku heyb ah Darawalka mooto Bajaajta ee la dilay ayaa la sheegay in inta badan Wadooyinka Magalada xireen,waxana ka hadlay xiisadaas Maamulka Magalada Baladweyne ee ee Gobolka Hiiraan.
Ku xigeenka Duqa degmada Baladweyne Cabdi Xuseen Cismaan Canjeex ayaa sheegay in Askarigii ka dambeeyey dilka Darawalka mooto Bajaajta gacanta lagu haayo,isla markaana ay ku jiraan xalinta xiisadaas.
Isaga oo Wareysi siinayey Radio Dalsan ayuu sheegay  in haatan uu wadahadal u socdo Odayaasha Dhaqanka ka soo kala jeeda Marxuumka la dilay iyo Askariga dilka ka dambeeyay,si xal buuxa loo gaaro.
Marka laga soo tago hadalka Ku xigeenka Duqa degmada Baladweyne ayaa hadana Warar aan heleyno waxa ay sheegayaan in weli wadooyinka qaar ee Baladweyne ay u xiran yihiin Maleeshiyo beeleed ka careysan dilkii shalay loo geystay Darawalka Mooto Bajaaj.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ku xigeenka Duqa degmada Baladweyne.