Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo lagu xaqiijinayay amniga ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Howlgalka ayaa Ciidamadu waxa ay sigaar ah uga sameeyeen deegaanada buurheybe iyo tuulada waafdhaay oo dhamaantood hoostagadegmada buurhkaba,waxana la sheegay in howlgalkaas ay ku soo qabteen Rag ka tirsan Shabaab iyo hub ay wateen.
Taliyaha Ciidamada Koonfur Galbeed ee degmada Buurhakaba Ibraahim Maxamed Liisaamow ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku soo qabteen 2 Qoryaha nooca ak47,iyada oo sidoo kale dilay 15 ka mid ah Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in habeen iyo Maalin ay howlgalka wadi doonaan isla markaana ay furi doonaan wadooyinka soo gala degmada Buurhakaba.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha.