Maamulka Jubbaland ayaa markale waxa uu si kulul uga hadlay dhibaatoyinka Ciidamada Kenya ka wadaan deegaano ka tirsan Maamlkaas,iyada oo Ciidanka Kenya ay bur buriyeen Xarumo ahy laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.
Jubbaland ayaanan sicad u sheegn cida ku lugta leh burburinta loo geystay Xarmo Shirkadda Hormuud ku leedahay deegaano ka kala tirsan Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa shaki geliyey in burburntaas ay ku lug leeyihiin Ciidanka Kenya balse uu ku gaabsaday in ay ahaayeen Ciidamo ka soo gudbay Xadka Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Jubbaland ay baaritaano ku heysto sidii lo ogaan lahaa Cidamadii ka dambeeyey dhibaatada loo geystay Xarumaha Shirkadda Hormuud gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey.
Si kastaba Sanadkaan gudihiisa Ciidamada Kenya ayaa waxa ay sicad u bur buriyeen Xarumo ay laheyd Shirkada Hormuud oo ku kala yaalla degmada Ceelwaaq Gedo iyo deegaanka Cali Bulleey ee Gobolka Jubbada Hoose.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland.