Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa diyaaradaha dagaalka ay ka fuliyeen duqeymo dhinaca Cirka ah,iyadoona halkaasi oo ay ku sugaanyeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Deegaanada duqeynta laga fuliyay ayaa waxaa kamid ah degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka lagu magacaabo Jambii oo hoostaga degmadaas,waxaana duqeynta lala beegsaday Saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin halkaasi sida uu sheegay Maamulka Jubbaland.
Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen oo ah Afhayeenka Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in duqeymahaas khasaaro lagu gaarsiiyay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab waa sida uu halka u dhigay.
Sidoo Kale waxaa uu sheegay Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen in duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab laguna burburiyay Saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada laga fuliyay duqeymaha.
Dhinaca kale ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay dagaalamayaasha Al-shabaab eek u aadan in Saldhigyo ay lahaayeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe duqeyn lagu burburiyay,isla markaana la dilay dagaalyahano ka tirsan iyaga.
Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland.